Heemaal News Network

Ciyaaryahan Caan ah Ee Robinho Oo Lagu Riday Xukun Adag Oo Xabsi ah iyo Dambiga Lagu Helay

Ciyaaryahankii hore ee xulka kubadda cagta dalka Brazil una soo ciyaaray kooxo waa weyn Robinho, ayaa lagu riday xukun adag oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay in uu geestay dambi kufsi ah.

Xiddigan hore oo hadda 40-sanno jir ah ayaa lagu helay in 10-sanno kahor xilli uu u ciyaarayay kooxda kubadda cagta ee AC Milan ee ka dhisan Talyaaniga uu kufsi u geestay gabar dalkaasi.

Robinho ayaa gabi ahaan beeniyay in uu galay dambiga kufsiga ee lagu soo eedeeyay, waxa uuna kiiskaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo la doonayo in sumcadiisa meel looga dhaco.

Maxkamadda Sare ee dalka Brazil ayaa Arbacadi ayyiday xukun ay horay maxkamad ku taallo Talyaaniga ugu ridday laacibkaan, waxaana xukunka kaddib Robinho laga soo xiray guri uu ka deganaa magaalada Santos.

Xiddigan usoo ciyaaray kooxaha kubadda cagta ee Real Madrid, Manchester City iyo AC Milan ayaa la filayaa in xabsiga ku qaato xukunka 10-ka sanno ah ee lagu riday, waxaa horey isna xabsi loogu xukumay ciyaaryahankii hore ee Brazil Dani Alves.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Juergen Klopp Oo Ka Fadhiisnaya Xirfada Iyo Shaqada Kubbda Cagta

Heemaal

Madaxwayne Cabdi Ilay Oo Xabsiga Adis-ababa Laga sii Daayay

Heemaaln

Nin Mareykanka ku Dilay Laba sanno ka Hor Sheekh Maxamed Xasan Oo Lagu Xukumay 78 sanno

Heemaaln