Tirada dhimashada weerarkii hoolka Crocus Concert ayaa hadda gaartay 133, sida ay sheegeen guddiga baaritaanka Ruushka.
Iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay wadaan nadiifinta burburka goobta, waxay sii wadaan inay helaan meydad badan, guddiga ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay ku daabaceen Apka fariimaha eeTelegram.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku tilmaamay weerarka lagu qaaday hoolka uu ka socoday bandhig faneedka fal argagixiso oo waxashnimo ah. “Cadawgayaga nama qaybin doono,” ayuu sidoo kale yiri.
Isagoo khudbad ka jeediyay taleefishinka qaranka, Putin wuxuu mahadceliyay dhakhaatiirta iyo saraakiisha ammaanka ee caawiyay dhibanayaasha weerarkii Moscow.
Weerarkaan oo lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ruushka tan iyo sannadki 2004-tii, ayay dableyda weerarka geysatay si aan kala sooc laheyn rasaas ugu furtay dadki ku sugnaa hoolka ruwaayadaha ee degmada Crocus oo inyar dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Moscow.
Muuqaallo goobta laga soo duubay ayaa muujiyay dad ku gabanaya kuraasta taallay hoolka, iyo rag hubeysan oo rasaas furaya, dad isku dayaya in ay ka baxaan albaabada howlka iyo kuwo aanan dhaqaaq laheyn oo dhex jiifa dhiigga. Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Kooxda Daacish.