Hay’adda hawada sare ee Maraykanka (NASA) ayaa isku dayaysa inay cirbixiyeeno u dirto dayaxa sanadka 2025 iyo meeraha Mars toban sano gudohood.
U dirida bini’aadamka hawada sare waa hawl adag, sidoo kale waa mid khatar ah.
Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhintay dhacdooyinkan oo kale 60-kii sano ee la soo dhaafay.
Intii u dhaxaysay 1986 iyo 2003, 14 qof ayaa ku dhintay shilalka hawada sare ee NASA.
Sannadkii 1967-kii, saddex ayaa ku dhintay shilka hawgalkii Apollo-1. Saddex kale ayaa ku dhintay 1971-kii hawgalkii Suez 11.
Safarka hawada sare waa mid adag oo uu kharash badan ku kaco.
Hadda safar ganacsi oo hawada sare ah oo lacag ah ayaa sidoo kale bilaabmay. Safarka hawada sare ayaa dhowaanahan noqday wax iska caadi ah.
Su’aasha dad badan maskaxdooda ka guuxaysa ayaa ah – Maxaa ku dhacaya jidhka cirbixiyeennada haddii ay dhintaan ka dib markay hawada sare galaan? Ma jira wax aas ah oo loo sameynayo? Sidee dib loogu soo celinaya dhulka?
Ka warran haddii cirbixiyeennada Mareykanka ay ku dhintaan dayaxa ama meeraha Mars oo malaayiin kiiloomitir jira? Maxay NASA samayn dooneysaa? Aynu ogaano jawaabaha su’aalahan.
Machadka Cilmi-baarista ee NASA ee Caafimaadka Hawada Sare wuxuu xaqiijiyaa in cirbixiyeenadu ay caafimaad qabaan inta aysan hawada sare u safrin.
“Haddii cirbixiyeenku ku dhinto hawada sare ama ‘meeraha dhulka ee hooseeya’, meydkiisa waxaa lagu soo celin karaa dhulka saacado gudahood,” ayuu yiri Professor Emmanuel Urquieta, oo ka shaqeeya machadka.
Haddii qof ku dhinto dayaxa dushiisa, way adkaaneysa in meydkiisu dhulka la soo gaarsiyo isla markaas. Waxay qaadaneysa dhowr maalmood. NASA waxa ay sidoo kale samaysay hab-maamuus tafatiran oo arrimahan lagu xalliyo.
Haddii qof uu ku dhinto hawlgal waxa meydkiisa uu la soo laabanaya cirbixiyeenada kale marka ay ku soo laabanayaan dhulka. Muhiimada koowaad ee hay’addu waa in marka hore laga fakaraa oo dib loo soo celiyaa cirbixiyeennada haray.
Laakiin, haddii cirbixiyeenku ku dhinto safarka Mars (safar 30 milyan oo mayl ah), xaaladdu way ka duwanaan doontaa.
Way adag tahay in cirbixiyeennada dib loo soo celiyo haddii qof dhinto marka ay aad u fogaadaan. Waxa laga yaabaa inay qaadato sanado in meydka dib lagu soo celiyo marka hawshu dhamaato.
Ilaa inta laga gaarayo xilligaas, cirbixiyeenadu waxay mas’uul ka yihiin inay meydka ku hayaan qol gaar ah.
Heerkulka joogtada ah iyo qoyaanka gudaha hawada sare ayaa caawiya ilaalinta jirka.
Aaska waxa suurtogal ka noqon karaa meelaha sida saldhigyada ama dayax gacmeedyada. Laakiin meeraha Mars waa ay adagtahay in lagu sameeyo maaddaamaa uu ka duwan yahay.
Bakteeriyada iyo noolaha kale ee jirka ka yimaada ayaa wasakhayn kara oogada Mars. Markaa meydka waxa lagu haynayaa bac gaar ah ilaa uu dhulka ka soo gaaro.