Heemaal News Network

Maxaad Ka Ogtahay Tobanka Cayaartooy Ee Sanadkii Tagay Ugu Mushaharka Badnaa

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kusoo laban-laabtay Lionel Messi lacagta uu soo xareeyey sannadkan, iyadoo laacibka reer Argentina uu xajistay kaalinta labaad inkasta oo uu farqi weyn u dhexeeyo laacib ka ay xafiiltamaan.

Ronaldo ayaa noqday ciyaartoyga ugu lacagta badan kaddib markii uu tegay horyaalka Sucuudiga oo uu mushahar ku dhow £173 milyan oo Gini ka qaato sannadkii, halka uu lacago kale oo tobannaan milyan ahna ka sameeyo xayaysiisyada iyo ilaha kale ee dhaqaale ee uu leeyahay.

Afar ka mid ah tobanka ciyaartoy ee lacagta ugu badan ay soo sannadkii, waxa ay ka ciyaaraan horyaalka waddanka Sucuudiga ee Pro Saudi League, iyadoo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League uu saddex ku yeeshay tobanka sare.

Cristiano Ronaldo ayaa sannadkan dhamaaday waxa soo gashay lacag dhan £204.9 milyan oo Gini, kuwaas oo iskugu jira £164 milyan oo Gini oo ah mushaharka uu ka qaato kooxda Al-Nassr iyo £49 milyan oo Gini oo kale oo uu ka helay ilo kala duwan, sida xayaysiisyo iyo ganacsiyada uu samaystay ee ay ku jiraan goobo timaha lagu beero iyo hotelo.

Lionel Messi oo kaalinta labaad ku jiray sannadkii dhamaaday, waxa soo gashay lacag dhan £106.4 milyan oo Gini, kuwaas oo iskugu jiray £35 milyan oo Gini, illaa £47 milyan oo Gibi oo mushahar ahaa, iyo inta kale oo ah xayaysiisyo iyo ilo kale oo uu lacago ka sameeyo.

10ka ciyaartoy ee lacagta ugu badan ay soo gashay sannadkii dhamaaday

10. Harry Kane – £28.3 milyan oo Gini

9. Kevin De Bruyne – £30.7 milyan oo Gini

8. Sadio Mane – £40.9 milyan oo Gini

7. Mo Salah – £41.7 milyan oo Gini

6. Erling Haaland – £45.7 milyan oo Gini

5. Karim Benzema – 83.5 milyan oo Gini

4. Kylian Mbappe – £86.7 milyan oo Gini

3. Neymar – £88.2 milyan oo Gini

2. Lionel Messi – £106.4 milyan oo Gini

1. Cristiano Ronaldo – £204.9 milyan oo Gini

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Live Ciyaarta Finalka Ee Galmudug Vs Hirshabeele

Heemaaln

Real Madrid Ku Bixinayso Mushahar Xad Dhaaf Ah Kylian Mbappé Iyadoon Hiyi-kicinin Ciyaartoyda Kale

Heemaal

Habeenkii Oo Dhan Way Tuntaan Aroortiina Waxay Yidhaahdaan Waan Buknaa

Heemaaln