Rifaat al-Assad oo la dhashay madaxweynihii hore ee dalka Syria Xafid Al-asad ayaa lagu eedeyay in uu qeyb ku lahaa dagaalo ka dhacay dalka Syria xilligaasi oo xukunka dalkaasi uu hayay walaalkiis.
Xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland ayaa sheegay in eedeymaha ka dhanka ah Rifaat al-Asad ay la xiriiraan doorkii uu ku lahaa dagaalkii u dhexeeya ciidamada Syria iyo mucaaradkii Islaamiyiinta horaantii 1980-yadii, xiligaas oo mucaaradka isku dayeen af-gambi.
Ninkan adeerka u ah madaxweynaha dalka Syria ayaa beeniyay eedeymaha isaga ka dhanka ah, waxa uuna sheegay in aysan jirin wax dambi dagaal iyo dhibaatooyin kale uu geestay, ayna tahay kiiskiisa mid siyaasadeed.