Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa u rajeeyay danjirha cusub inuu ku guuleysto xilka cusub ee loo igmaday.
Danjire Cyprian Iringo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay iyo in uu dalkiisa ku matali doono Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.