Heemaal News Network

Somaliya Oo si Kulul u Canbaareysay Ficilka Lagula kacay Madaxwayne Xasan Sheekh

Dawladda Soomaaliya Ayaa si Kulul u Canbaareysay Ficilka lagula kacay Wafdiga Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Ee Adis ababa ku sugan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Itoobiya ku eedeeyey xushmad darro inay kula dhaqaaqday shir madaxeedka midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa, isagoo sheegay in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socdo. Wuxuu sheegay in markii dambe loo ogolaaday inuu galo.

Wuxu mar kale ku celiyey madaxweynaha Soomaaliya,isagoo la hadlayey suxufiyiinta, inuu ka xun yahay in Itoobiya “ay isku daydo inay qiil u samayso” heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland. “Itoobiya waxay doonaysaa inay dhul ka qaadato Soomaaliya” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare oo Somaliland ka socota diyaar garow halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.

Arrintan ayaa imaanaysa ayadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynaha Soomaliya uu iska dhaqaaqay ayadoo la garaacayo muusigga astaanta u ah calanka Itoobiya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Full:-Waraysiga Garad Jamac Garaad Ismaciil Oo Arimo Badan Oo Xaasaasi ah ka Shanqariyey

Heemaaln

Xasan Sheekh “Muuse Bixi Waxaba Laga Waydiin Mayo Ethiopia-na kama Wada-hadli karno Damacooda Guracan”

Heemaal

“Bada waa la Kireyay Ee Lama Iibin Reer Laascaanood waxaan leeyahay soo Gaadha Caana Maandeeq way Dhashaye,.”Faysal Cali Waraabe

Heemaaln