Heemaal News Network

Dowladaha Somalia Iyo Sacuudiga Oo War Murtiyeed Wadajir ah soo Saaray (Akhriso)

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa War-murtiyeed wadajir ah ka soo saaray Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

War-murtiyeedka laga soo saaray safarka madaxweynaha iyo kulamada uu la qaatay madaxa dalkaas ayaa lagu xusay qodobo dhowr ah oo taabanaya Xiriirka labada dal.

Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka maalgashiga ee dhinacyada kala duwan, sida beeraha, xoolaha, kaluumeysiga, gaadiidka, iyo dekedaha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Boqortooyadu waxay bogaadisay dadaallada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku xoreynayo gobollo badan oo dalka ka mid ah, waxayna muujisay sida ay u taageersan tahay dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa xaqiijisay inay u taagantahay midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madax-bannaanida dhulkeeda, kana soo horjeesatay heshiis beenaadkii dhaxmaray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweynta wanaagsan uga mahadceliyay Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

21 Qof Rayid ah Oo Lagu Laayay Duqayn ka Dhacday Gobolka Sh/Hoose Oo Laga Qayliyay

Heemaaln

Qarax Lagu Bur-buriyey Booyad ay Lahaayeen Ciidamada Puntland Oo ka Dhacay..

Heemaal

Dowlada Hoose Ee Laascaanood Oo Wadooyin Waaweyn Qasb ku Baneysay.

Heemaaln