Heemaal News Network

Dowladda Somalia Gacanta ku Dhigtay Shabakad ka Dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Hay’adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galka baarista weerarkii Al-shabaab ka gaysteen Hotel SYL ayaa waxay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida weerarka lagu gaystay sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay dowlada Somalia.

“Sidoo kale, dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL” ayaa sidoo kale lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowlada oo u qornaa sidatan hoose.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maamulka G/Saaxiil Oo ka Hadlay Halka u Marayo Baaritaanka Shil Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Berbera.

Heemaaln

Duqa Muqdisho Oo Amar ku Bixiyey in 10:00 PM ka hor aysan Socon karin Gaadiidka Xamuulka ah.

Heemaaln

“Xildhibaanadan Madaxweynaha Faraha ku Taag-taagaya waa lala Xisaabtami.“ Wasiir Yurub Abiib

Heemaaln