Heemaal News Network

Faahfaahin dheeraad ah:Markabka shidaal Oo ku Gubanaya Badda-cas.

Markabka oo laga leeyahay UK, waxaa lagu magacaaba Marlin Luanda, wuxuu u shaqeynaya shirkadda Trafigura, sida ay warisay Reuters.

Wuxuu sida shidaalka diyaaradaha ee Naptha jet, dabka ka dhashay gantaalaha Xuutiyiinta ayaa is qabsaday markabka, sida laga soo xigtay Iran Obsever.

Isbahaysiga Mareykanka iyo Ingiriiska waxay isku dayayaan inay gargaar u fidiyaan markabka, sida ay sheegtay Aljazeera.

Xuutiyiinta waxay sheegeen inuu bartilmaameed muhiim ah u ahaa markabka, tiro gantaalada lidka maraakiibtana ay la eegteen, afhayeenka kooxda ayaa ku sheegay muuqaal ay warbaahinta baahisay.

Shidaal badan ayuu markabka badda ku qubaya, taana waxay sidoo kale dhibaato gaarsiinaysa deegaanka, wargeyska Ingiriiska ah ee The Independent ayaa sheegay.

•Ugu dambeyntii, haddii markabkan uu quuso, waxa uu noqonayaa markabkii ugu horreyay ee ay quusiyaan gantaalada kooxda Yemeniyiinta.

~ Iman Jama

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

llhaan Cumar Oo Weerarro afka ah kala Kulantay Khikaafka Badda Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalada iyo Duqeymaha ka Socda Magaalada Gaza.(Sawirro)

Heemaaln

Oromada Itoobiya Oo Dooratay Ugaas Dhaqameed Cusub

Heemaaln