Labada madaxweyne ee hore ayaa sheegay haddii baarlamaanku uu meel mariyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, in ay ka dhigan tahay, in ay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay ka fiirsadaan.
Farmaajo iyo Shariif waxay sheegeen tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu in ay si cad u muujinayaan inuu doonayo inuu la wareego awoodaha labada aqal ee baarlamaanka, si aan loola xisaabtamin xukuumadda.