Heemaal News Network

Golaha Wasiirrada Dagaalka Israa’iil Oo Kulan Deg-deg ah ka Yeeshay Weerar Uga Yimaada Iran.

Israa’iil ayaa wajahaysa xaalad welwel ah, ka dib markii ay Iiraan u biyeysatay ka jawaabtista weerarkii saraakiisha looga diley todobaadyo ka hor ee gudaha Suuriya.

Golaha wasiirrada dagaalka Israa’iil ayaa goor dhow yeelanaya kulan deg deg ah oo ay uga hadlayaan habka ay u dhacayso jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarro jihooyin kala duwan ah oo ay suragal tahay inay saacadaha soo socda Iran ku soo qaado dhulka Israa’iil, sida ay warisay Aljazeera.

Saraakiil sare oo Mareykan ah ayaa sheegey in weerar weyn oo Iran ku qaaddo Israa’iil la filan karo sida ugu dhakhsaha badan, lagana yaabo in ay ku ekayso in ka badan 100 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo tobanaan gantaal oo lala beegsanayo bartilmaameedyada milatari, waxuuna Mareykanku muwaadiniintiisa faray in aysan u safrin Israa’iil, kuwa gudaha joogaana aysan dhaqdhaqaaqa badin.

Israa’iil ayaa ciidamadeeda qalabka sida gelisay heegan buuxa sababo la xidhiidha aargoosiga Iiraan, waxaana la xidhay Xarumaha waxbarashada iyo goobaha damaashaadka ee gudaha Israa’iil;, sidoo kale bannaanbaxyo socday ayaa la joojiyey, meel kastana waxa laga galay feejignaan dheeraad ah.

Iiraan ayaana weli si cad u sheegin xilliga ay weerarayso Talaabiib, mana cadda in iyadu ay si toosa u wajahayso iyo in ay u adeegsan karto kooxaha kala duwan ee ay badhitaarto.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamada Israel Oo Saacado yar Gudahood ku Dhowaad 100 Qof ku Xasuuqay Gaza

Heemaaln

Milatariga Israa’iil Oo Qaaday Tallaabo Deg-deg ah kaddib Dilkii Samafalayaal Reer Galbeed ah

Heemaaln

Mareykanka Oo Shaaciyey in Weerar Aargoosi ay Iran ku Qaadayso Israel.

Heemaaln