Heemaal News Network

Gudomiyihii Maxkamaddii Xukuntay Dilka Jeneralo Uu ka Midka ahaa Salaad Gabayre Oo Geeriyooday

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u raxmadee Gudoomiyihii hore ee Maxkamadii Badbaadada dalka, S/Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Turunji oo ka mid ah guddiga aaskiisa loo xilsaaray, muddo dheerna la soo shaqeeyey marxuumka.

Jeneraal Maxamuud Geelle wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxkamadii Badbaada Dalka oo ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo “kacaan diidka”.

Waxay kaloo maxkamadaas qaadi jirtay dacwadaha dilka la xiriira, musuqmaasuqa iyo xukunnada lagu rido dadka ka soo horjeeda dawladdii dalka ka jirtay.

Wuxuu ahaa gudoomiyihii Maxkamadda Badbaada Dalka sanadkii 1972-dii ilaa uu dalka galay xaaladii burburka sanadkii 1990-kii

Sannadihii la soo dhaafay ayuu xanuunsanaa balse sida uu BBC-da u sheegay Turunji waxaa uu dalbaday inuu dalka dib loogu celiyo, waxaana uu muddo ku noolaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland, isagoo dhowrkiisa sano ee la soo dhaafay ku noolaa magaalada Muqdisho.

Xukunadii uu riday intii uu joogay Maxkamadda

S/Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf, ma ahayn sharci yaqaan laakin bilowgii toddobaataneeyadii ayuu Madaxweyne Siyaad Barre u magaacabay Gudoomiyihii Maxkamadii Badbaadda Dalka.

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Turunji oo ay Maxkamaddas ka soo wada shaqeeyeen wuxuu xukunadda uu ridayo u cuskan jiran markhaatiyaasha la horkeeno Maxkamadda.

Xukunadii ugu waaweynaa ee ay uu riday intii Gudoomiyaha ahaa Jeneral Maxamuud Geele waxaa ka mid ahaa,

Xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyey horraantii todobaatameeyadii Allaha u raxmadee Jeneral Salaad Gabayre oo ka mid ahaa raggii ay Geelle ku wada jireen inqilaabka balse lagu oogay eedaymo ah inuu ka hor yimid kacaanka.

Sidoo kale Jeneral Geelle ayaa riday xukunno dil ah oo lagu fuliyey Jenenal Maxamed Caynaanshe iyo Cabdiqaadir Dheel.

Waxaa sidaas oo kale xukunadii uu riday ka mid ahaa kuwii lagu fuliyey saraakiishii sameeyey inqilaabkii fashilmay oo uu ka mid ahaa Cornel Maxamuud Cirro, 1977kii.

Kumuu ahaa Jeneral Maxamuud Geelle?

Allaha u raxmadee Jeneral Maxamuud Geelle Yuusuf waxaa uu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari sanadkii 1937-dii.

Waxaa u ahaa sarkaal ciidan oo tababarro kala duwan oo dhanka ciidanka ku soo qaatay dalalka Ruushka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa saddexdii sarkaal ee ugu horeeyey ee loo diro inay aqoonta ciidanka militariga ku soo qaataan kuliyadii tababarka ciidanka ee Modena ee dalka Talyaaniga, iyo laba sano oo magaalada Torino uu tababar ku soo qaatay.

Xilligaas oo ahayd 1959kii waxaa tababarradaas ku wehliyey Muuse Xasan Sheekh iyo Cadde Muuse.

Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa saraakiishii sida firfircoon ugu qayb qaatay inqilaabkii Soomaaliya ka dhacay 21-kii October sanadkii 1969-kii ee xukunka askartu la wareegeen.

Jeneral Geelle ayaa sidoo kale ku jiray liiska 25-kii sarkaal ee la oran jiray Golaha Sare ee Kacaanka, kuwaas oo la shaaciyey magacyadooda ka dib afgambigii ciidanku xukunka kula wareegeen.

Waxay aad isugu dhawaayeen Madaxweynihii dalka Jeneral Maxamed Siyaad Barre, Allaha u raxmadee wuxuu ahaa nin ku adag sharciga iyo daacadnimada kacaanka sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Turunji oo ay ka soo wada shaqeeyeen Maxkamaddii Badbaadada iyo xarumo kale oo dowladeed.

Sidoo kale wuxuu soo noqday taliyihii ciidanka Badda ee Soomaaliya, Abaanduule Ciidan, gudoomiyihii Maxkamadda Badbaadda dalka, wasiirkii Maaliyadda iyo wasiirkii gadiidka badda iyo dakadaha ee dowladii kacaanka.

“Shaqsiyan wuxuu ahaa qof hufan oo nadiif ah, waligiisna aan isku dayin inuu hanti umadeed qaato, taas waxaa marag ka ah inuusan waligiis Soomaaliya guri ku yeelan isagoo xilal waaweyn ka qabtay dalka“ ayuu uu BBC-da u sheegay Maxamed Turunji.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wadani Ayaa Basaasay Saraakiisha ,Qorshahana Waxana Dajiyay Xirsi Waxaana Fuliyay….

Heemaaln

Puntland Oo ka Hadashay Markab Lagu Afduubtay Xeebaha Badweynta Hinidya

Heemaaln

Ciidanka Xooga Dalka Oo Jabiyey Khawaariij Isku Soo Maqiiqday Saldhiga Caad

Heemaal