Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada St Petersburg u sheegay in dilka Vladlen Tatarsky sanadkii hore ay amartay dowlada Ukraine.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Darya Trepova, ayaa beenisay inay og tahay in taallada ay ku jireen walxaha qarxa. Waxay u sheegtay maxkamadda inay u malaynaysay inay taalada lagu qariyay qalabka wax lagu dhageysto.
Maamulka Ukraine ayaa kiiskaas ku sheegay mid ay ka danmbeysay argagixiso gudaha ah.