Heemaal News Network

Israel Oo Bartilmaamedsatay Kuna Xasuuqday Caruur Xerada Qaxootiga Ee Nuseirat

Ciidamada Israa’iil ayaa weerar dhanka cirka ah ku qaaday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Qaza, halkaasoo ay ku dileen afar caruur ah.

Meydadka carruurta ayaa laga helay burburka guryaha, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Waxa ay intaa ku dartay in milatariga Israa’iil ay sii wadeen weerarrada cirka iyo dhulka ah ee ay ku hayaan gobolka Khan Younis ee koonfurta Qaza, iyaga oo la beegsanaya agagaarka cisbitaalka Nasir oo ay ku garaacayeen madaafiic.

Tan iyo 7-dii Octobar ee sannadkii hore, ciidamada Israa’iil waxa ay dagaal ka wadeen Qaza, kaas oo sababay dhimashada 25,700 oo dhimasho ah iyo 63,740 dhaawac ah, oo u badan haween iyo carruur, ayuu yidhi maamulka Falastiiniyiinta.

Dagaalka ayaa sidoo kale sababay burbur baaxad leh iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan horay loo arag, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Markabkii Ugu Horeeyey Ee Gargaar sida Oo Gaaray Xeebta Magalada Gaza (Sawirro)

Heemaaln

Ciidanka Israel Oo ka baxay Khan Younis ka dib Dagaalo Faraha Looga Gubtay (Sawirro)

Heemaaln

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qorshe Cusub Oo Uu Shaaciyey Raisul Wasaaraha Israel.

Heemaaln