Heemaal News Network

Itoobiya Oo ka Codsatay IGAD Shir Deg-deg ah Oo Looga Hadlayo Xiisada Badda xilli ay …

Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay urur goboleedka IGAD qabashada shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda IGAD, kaa oo looga hadlayo xiisada ka dhalatay heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya qoraal kasoo baxay ayaa looga codsaday dowladda Jabuuti oo xilligan ah hoggaanka IGAD in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in shirka IGAD isugu imaanayaan ay xukuumadda Adis Ababa dooneyso in ay macluumaad dheeraad ah kaga bixiso heshiiskii Somaliland ay la galeen 1-dii bishan.

Hoggaanka IGAD ayaan la ogeyn in ay aqbali doonaan codsigan cusub ee ka yimid Itoobiya oo horey uga cudur daaratay shir ay madaxda IGAD ku yeesheen magaalada Kampala ,kaa oo looga hadlayay xiisada ka dhalatay heshiiskii Itoobiya la galeen Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaana wali dhankeeda ka hadlin codsigan Itoobiya ku dalbatay in dhir deg deg ah isugu yimaaadaan madaxda IGAD, dowladda ayaana horey shuruudo ugu xirtay in Itoobiya kala hadlaan xiisada kala dhaxeysa xilligan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dawlada Itoobiya Oo Warqad Codsi ah Oo ka Dhan ah Heshiiska Badda U Dirtay Q/Midoobay

Heemaal

Spain Oo Lacag Ugu Deeqaysa Xeer Ilaaliyaha ICJ Si Loo Baadho Xasuuqa Gaza

Heemaal

Cilad Adag Oo soo Wajahday Facebook & Instagram iyo Jahwareer ka Taagan

Heemaaln