Heemaal News Network

Spain Oo Lacag Ugu Deeqaysa Xeer Ilaaliyaha ICJ Si Loo Baadho Xasuuqa Gaza

Isbaheysiga garabka bidix ee Spain ayaa sheegay in ay si mutadawacnimo ah uga qayb qaadan doonaan xafiiska dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) si ay u baaraan xadgudubyada xuquuqul insaanka ee Gaza ee weerarada Israel.

Shir ay yeesheen 30-kii Janaayo, Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in Spain ay gacan ka geysan doonto Xafiiska Xeer Ilaalinta ICJ ee baaritaanka xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ballaaran ee Gaza si loo qabto kuwa mas’uulka ka ah in lagula xisaabtamo maxkamadda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ee ICJ wuxuu heli doonaa $541,790 (500,000 euro) sanadka 2024, oo ay ugu deeqayaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Banaanbax Wayn Oo Looga Soo Horjeedo Xisbi Doonaya In Uu Jarmalka Ka Nadiifiyo Ajaaniibta,,

Heemaal

Hal Qof Oo Loo Xidhay Dilka Imaam Fu’aad Xassan Yaasiin Oo Lagu Dilay Cardiff

Heemaal

Xuutiyiinta Oo Markab Ingiriisku Leeyahay ku Weeraray Badda Cas

Heemaaln