Danjire Samuel Isa wuxuu sheegay in heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya uu waafaqsan yahay xeerarka caaalamiga ah ee kastamada iyo shuruucda badda.
“Heshiiskani wuxuu si cad u jidaynayaa oo loogu talo galay inuu wax ka taro arrimaha ganacsiga si ay uga faa’iidaystaan muwaadiniinta Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi diblomaasigaasi.
Samuel Isa waxa kaloo uu intaas ku daray “Waxa isfahamkan loo maray qaab nabadgelyo ah oo ku sallaysan wadahadal iyo iskaashi wadajir ah oo dhinac waliba guulaystay, kaasi oo kor loogu qaadayo nabada iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika.”
Heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Jamhuuruyadda Somaliland Itoobiya ka kirayso 20km oo ay ka dhigtaan saldhig millatari oo badda ah, iyadoo Itoobiyana ay noqon doonta dalka u horreeya ee aqoonsada Qarannimada Somaliland ee 33ka sannadood u halgamaysay inay caalamka ka hesho ictiraaf caalamiya.
Qore: Cumar Maxamed Faarax