Heemaal News Network

Kursiga Hoggaanka Midowga Afrika Ee Somaliya ay u Tartameyso Oo War Hor leh kasoo kordhay

Golaha Sare ee Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo hor leh, isagoo go’aansaday in guddoomiyaha xiga ee Guddiga Midowga Afrika uu ka imaanayo Bariga Afrika.

Kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa Golaha Fulinta ee midowga wuxuu ku yeeshay kulankoodii 22-aad, kaas oo diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare.

Go’aankan oo shalay lagu dhawaaqay ayaa imaanaya iyadoo musharraxiinta haatan u taagan guddoonka midowga ay kasoo jeedaan Bariga Afrika: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.

Waxaa intaa dheer in go’aankan lagu xusay in Waqooyiga Afrika ay soo xushaan booska ku xigeenka guddoomiyaha midowga, halka Bartamaha, Koofurta, iyo Galbeedka Afrikana ay soo xulan karaan lix boos oo xubin guddiga ka mid noqoneysa ah.

Soomaaliya ayaa dhankeeda abaabul xooggan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025

Raila Odinga oo Kenya ka socda uu sharraxanyahay kursigaasi hoggaanak midwoga Afrika.

Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo kasoo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad.

Ololaha tartanka xilkan ayaa la filayaa inay si rasmi ah u bilaabato marka ay dhammaan musharraxiinta daneynaya soo gudbiyaan araajidooda wixii loo gaaro bisha May ee sanadkan.

Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta.

Musharraxa kale ee kurisga madaxtinnimada guddigan kula tartamaya Fowsiya ayaa ah raysal wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga. Kenya ayaana abaabul xooggan o dhan walba ah ugu jirta qabashada xilkan, iyadoo olole ballaaran ka sameysay gudaha dalalka Afrika.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Antonio Guterres: Sidee U Aqbalnaa In Afrika Ka Wayday Xubin Joogto Ah Golaha Amaanka

Heemaal

War-murtiyeedkii Shirka Midowga Afrika Oo Looga Hadlay Xiisad Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Madaxweyne Museveni iyo William Ruto Oo kursi Muhiim ah la Raadinaya Raila Odinga

Heemaaln