Heemaal News Network

Madaxweynaha Imaaraadka Booqday Sargaal Lagu soo Dhaawacay Weerar ka Dhacay Muqdisho

Madaxweynaha dalka Imaaraad Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa isbitaal ku booqday sargaal katirsanaa ciidanka Imaaraadka oo lagu soo dhaawacay weerar ka dhacay xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho.

Kabtan Maxamed Al Nuceym ayaa ku dhaawacmay weerarkii nin katirsanaa kooxda Al Shabaab ka fuliyay gudaha xerada Jeneraal Gordan, waxaana sargaalkan weerarka kasoo gaaray dhaawac culus.

Madaxweynaha dalka Imaaraadka ayaana sargaalkan dhaawaca ah ku booqday isbitaalka ciidamada lagu daweenayo ee Zayed, waxa uuna u rajeeyay sargaalkan in caafimaad deg deg ah helo, isagoona ku sifeeyay sargaalkan in uu ahaa nin geesi ah.

Weerarka ka dhacay xerada Jeneraal Gordon waxaa lagu dilay afar sargaal oo u dhashay dalka Imaaraadka oo tababarayay ciidanka dowladda iyo sargaal kale oo isna u dhashay dalka Baxreyn , kaa oo la shaqeenayay saraakiisha Imaaraadka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidanka Itoobiya Oo Maanta Iskaga Baxay Dhamaan Farisimo ay ku Lahayen Magaalada Kismaayo.

Heemaal

Madaxa Siyasada A.Dibada Ee Midowga Yurub Oo si Adag Uga Hadlay Duqeymaha Israa’iil Ee Rafax

Heemaaln

Mareykanka: Dib-u-eegista Dastuurku ha Noqoto; Mid loo Dhan yahay Oo Daahfuran.

Heemaaln