Heemaal News Network

Abdul-Salam Oo Ku Booriyey Caalmka In Ayna Dhibanayaal U Noqon Khiyaanada Maraykanka

Maraykanku waxa uu ka faa’iidaystaa dhacdooyinka ka dhaca Badda Cas si uu u been-abuuro qalalaasaha caalamiga ah oo uu ku eedeeyo Xuutiyiinta cawaaqibka ka dhasha, ayuu yidhi afhayeenka rasmiga ah ee kooxda fadhigeedu yahay Yemen.

Mohammed Abdul-Salam ayaa ku sheegay X in ay jiraan “isku dayo Maraykan ah oo lagu marin habaabinayo ra’yiga dadweynaha waxa ka socda Badda Cas.”

“Marka la eego isku daygan, waxaan ku celinaynaa xaqiijintayada in bartilmaameedka (hawlaha kooxda) uu yahay maraakiibta Israel ama kuwa u socda dekedaha Falastiin ee la haysto,” ayuu yidhi.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dalalka inay u xaqiijiyaan mowqifka Yemen oo aysan u ogolaan naftooda inay dhibanayaal u noqdaan khiyaanada Mareykanka.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Abiy Ahmed Oo Xariga ka Jaray Garoonka Diyaaradeed Oo Laga Hirgaliyay Godey Ee DDS.(Sawirro)

Heemaaln

Maraykanka Oo 85 Goobood Oo Ku Yaala Suuriya Iyo Ciraaq Weerar Ku Qaaday

Heemaal

Ciidamada Jabhadda Amxaarada Oo Kaabiga Ku Haya Addis ababa

Heemaal