Heemaal News Network

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo ka Hadlay Go’aanka Maxakamada ICJ

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda ICJ ay tahay in la ixtiraamo dhammaan dadka aqoonsan maxkamadda oo ay ku jirto Israa’iil.

Isagoo hadlayay kadib go’aankii maxkamadda ee codsiga uu dalkiisa keenay, Ramaphosa waxa uu sheegay in Koonfur Afrika ay rajaynayso Israa’iil, “oo dimoqraadiyad isku sheegta, iyo dawlad ixtiraamaysa sharciga,” inay u hoggaansamaan xukunka.

“Qaar ayaa nagu yiri waa inaan ka fikirno ganacsigeenna oo aynaan ku lug yeelan arrimaha dalalka kale, haddana waa meesha aan ku noolnahay haddaan nahay dadka si fiican u garanaya xanuunka hanti-la’aanta, takoorka, rabshadaha ay dowladdu maalgeliso,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in go’aanka kadib ay tahay in dadaal dheeri ah la galo sidii xabad joojin loo sameyn lahaa, iyo in colaada lagu soo afjaro xal laba dowladood ah oo Falastiiniyiinta ay helaan aayo ka tashi.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo War Adag kasoo Saaray Xad-gudubyo Waa-weyn Oo ay Geesaneyso Itoobiya

Heemaaln

Milateriga Itoobiya Oo Lagu Eedeeyey iney Xasuuq Cusub ka Geysteen Gobolka..

Heemaaln

Abiy Oo Qaboojiyey Cabsida Laga Qabo Dagaal ay la Galaan Somaliya.

Heemaaln