Ciidankan madaxweyne Xasan Sheekh caawa kulanka cashada ah la qaatay ayaa dhawaan kasoo qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isagoona ku ammaanay sida xirfada iyo kartida laheyd ay uga qeyb galeen dhoolo-tuska
Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay ciidankan in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada ciribtirka Al Shabaab.