Heemaal News Network

Mahad Salad & Dhigiisa Dalka UK Richard Moore Oo Qodobo Xasaasi ah ka Wada-hadlay.

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo booqasho ku jooga dalka UK, ayaa la kulmay Agaasimaha Sirdoonka UK ee MI6 Richard Moore.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada hey’adood, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka Argagixisada iyo sidii ay u wadaagi lahaayeen khibradaha shaqo ee dhanka Sirdoonka.

Agaasimaha NISA ayaa horay safaro shaqo ugu tagay dalal dhowr ah, si uu u xoojiyo xiriirka dibadda ee hey’adda la leedahay dalalka Caalamka.

Waxaa dalalkii uu tagay ka mid ahaa Mareykanka oo uu kula kulmay Agaasimaha CIA William J. Burns oo isna markiisa booqasho ku yimid Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkan 2024, isagoo la kulmay madaxweyne Xasan Shiikh iyo xubno kale.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowlada Somaliya ayaa markale Caddeysay inay Diiddantahay Heshiiskii Abiy Axmed iyo M/Biixi

Heemaaln

Koox Hubaysan Oo Kufsi Wadareed Garowe Ugu Geystay Gabar 13 jir ah Oo ka Mid ah Barakacayaasha

Heemaaln

Maakhir state Oo Mar kale lagu Dhwaaqay “Waxu Noqon Doonaa Maamul aan dhib ku ahayn Puntland.” Xil.Dhoorre.

Heemaaln