Heemaal News Network

Mareykanka Oo Israel u Diraya Shixnado Hub ah Oo ku Kacaya $2.5 Bilyan

Mareykanka ayaa sheegay inuu u dirayo Israa’iil shixnado hub ah oo ku kacaya 2.5 bilyan oo dollar, inkastoo Washington ay shaacisay cabsida ay ka qabto weerar la filayo inay Israa’iil ku qaado Rafah.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya laba ilood oo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradaha Difaaca iyo Dawladda ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu oggolaaday in Israa’iil laga iibiyo 25 diyaaradood oo F-35 ah iyo kumannaan bambaanooyin aan tooska ahayn.

Wararku waxa ay sheegayaanin ilaahaasi ay soo xigatay Washington Post ay xaqiijinayaan in xirmooyinka cusub ee hubka ay kamid yihiin in ka badan 1,800 MK84 bambooyin ah oo midkiiba culeyskiisu yahay 2,000 rodol iyo 500 MK82 oo midkiiba uu yahay 500 rodol.

Hadalkan ayaa soo baxay wax yar ka dib markii Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu mar kale ku celiyay hadalkiisii ​​ahaa in waddamada Carabta ay sugayaan kaliya dagaalka Qasa in la soo afjaro si ay u aqoonsadaan Israa’iil.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Malaayiinta Doollar Ee Lagu Bixiyo Amniga Wiilka R/wasaraha Israa’iil Ee Maraykanka jooga.

Heemaaln

Xamaas Iyo Islamic Jihad Oo Afar Shardi Ku Xidhay Wadahadala Dadban Ee Yuhuuda

Heemaal

Booliiska Israa’iil Oo Xiray Gabar la Dhalatay Hogamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyeh.

Heemaaln