Heemaal News Network

Maxkamada Nairobi OoBilowday Dacwada Nin Doonayay inuu Daacish ka Aas-aaso Kenya

Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay nin lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa kooxda Daacish ee bariga Afrika.

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ninkaan oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa (Abu Shuhadaa) ku eedeysay inuu qorsheynayay inuu ururka Daacish ka dhiso dalka Kenya iyo gobolka Bariga Afrika sannadkii 2016.

Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya, ayaa warbixin uu soo saaray Jimcihii, ku sheegay in eedeysanaha lagu helay dembi ah inuu xubno u qorayay Ururka Daacish.

Xeer ilaalinta Kenya ayaa codsatay in ninkan lagu xukumo xabsi dhan ilaa 90 sano ah, sababo la xiriira culayska dambiyada lagu eedeeyay iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga Kenya.

Xukunkiisa ayaa loo qorsheeyay inuu dhaco Abriil 22, 2024.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Nin ka Dambeeyay Dhaawac iyo Dhac Ganacsade Somali ah Loogu Geestay Nairobi Oo la Qabtay

Heemaaln

Kenya Oo ku Hungowday Inay Wada-hadal-siiso Madaxda Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Weerar Lagu Qaaday Guri kuyaalla Duleedka Nairobi Oo Lagu soo Xiray Saraakiil Kenyan ah oo…

Heemaaln