Midowga Afrika waxay laba todobaad gudahood soo saareen laba qoraal oo ku wajahan xiisadda ka dhalatay heshiiskii isfahamka ee ay 1-dii bishan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.
Baaqyadaas midkood waxaa soo saaray guddoonka midowga Afrika, halka kan labaadna uu soo saaray golaha nabadda iyo amniga.
Wax badan kuma kala duwana labada qoraal, waxayna ka midaysan yihiin baaq ay u dirayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, ayagoo ka dalbanaya in xiisadda la dejiyo, laakinse waxaa qoraalka dambe ku cusub in midowga Afrika uu u xil saaray madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu fududeeye ka noqdo wadahadal dhex mara Itoobiya iyo Soomaaliya.
Haddaba waa kuma Obasanjo, maxaa laga aaminsan yahay, side bayse siyaasiyiinta Soomaalidu u arkaan mowqifka uu arrintan ka taagan yahay midowga Afrika.
Obasanjo waa siyaasi rug caddaa ah, yaqaannana qaabka loo dhexdhexaadiyo dalalka iyo dhinacyadu uu muranku dhex maro.
Wuxuu hore dhexdhexaadin uga galay khilaafkii xuduudda ee u dhaxeeyey Benin iyo Togo 1977, wuxuuse ku guuldaraystay inuu xalliyo muran soo dhex galay dalalka xubnaha ka ah ururka ay ku bahoobeen dalalka Afrikada bari iyo sidoo kale dhexdhexaadin uu ka dhex waday dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya xilligii labada dal ay isku haysteen dhulka Soomaali galbeed.
Waxaa kaloo ka mid ah dhexdhexaadintii u Obasanjo sameeyey shirweyne lagu qabtay Kano oo la doonayey in lagu soo afjaro dagaalkii sokeeye ee dalka Chad, xilligaasoo uu ka socday ururkii OAU, isla wakhtiyadaasna wuxuu hogaamiyey guddi ka socday isla ururka OAU oo loo saaray xallinta khilaafkii gobolka saxaaraha galbeed.
Haddaba Obasanjo weli ma cadda sida hawshiisa uu u bilaabi doono maadaama aan la caymin goorta iyo sida uu u bilaabi doono dhexdhexaadinta.
Culays badan ayaa hor yaalla waxaana ugu horreeya Soomaaliya oo diidday wax wada hadal ah ilaa iyo inta ay Itoobiya dib uga laabanayso heshiiskii isfahanka ee ay la saxiixatay Somaliland.
Sidoo kale culaysyo kale oo aan yarayn ayaa hor yaalla Obasanjo maadaama ay jiraan siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin Soomaali ah oo u arka in hay’adda Afrika ugu sarraysa aysan si daacad ah u wajihin xiisaddan.
Mas’uuliyiintaas waxaa ka mid ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Cawaale Cali Kullane. Wuxuu qabaa sida Soomaaliya ay ku doodayso in “shardiga iyo dalabka 1aad ee Soomaaliya uu yahay ka hor inta aan wax wadahadal ah la galin, dhinacyada oo dhan inay aqoonsadaan madaxbanaanideenna, taasoo ay ku jirto Somaliland, si loogu hogaansamo madaadii’da muhiimka ah ee midowga Afrika”.
Arrintan ayuu soo qaaday isagoo ka hadlayey hadalkii ka soo baxay golaha nabadda iyo amaanka midowga Afrika.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu isagu dareen ka qabaa ka maqnaanshaha Itoobiya ay ka maqan tahay shirka. “Tani waxay si cad u muujinaysaa in saaxiibadii Abiy Axmed ay sii yaraanayaan, taasina waxay faa’iido ugu jirtaa Soomaaliya” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku sii daray in Itoobiya “ay lumisay saameynteedii”.
Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey midowga Yurub Dr Cali Siciid Fiqi ayaa isna ka mid ah mas’uiiyiinta arrintan ka hadlay, wuxuuna soo jeediyey in xarunta Midowga Afrika laga raro Itoobiya.
“Ficilladan waxay wiiqayaan jiritaanka midowga Afrika oo mabaadii’dii lagu aasaasay ay ahaayeen midnimo, wadajir iyo xushmaynta madax banaanida dalalka xubnaha ka ah. In loo ogolaado Itoobiya inay sii ahaato dalka marti galinaya waxay diri kartaa farriin khatar oo ah in midowga Afrika uu u dul qaadanayo xadgudubyada noocaas ah”.
Wuxuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey “Midowga Afrika waa inuu ka baaraan degaa in xaruntiisa uu ka wareejiyo Itoobiya oo uu u wareejiyo dal muujinaya inay si dhab ah uga go’an tahay dhawrista mabaadii’da iyo qiyamka ururka”.
Soomaaliya waxay qaadday olole diblomaasiyadeed oo aad u weyn oo ay ka waddo dalalka dunida oo dhan, kaasoo mucaarad iyo muxaafadba ay isku meel ka istaageen, waxaana dhici karta in Olusegun Obasanjo ay ku adkaatao ama la jiitanto u kala dab qaadidda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaase wax badan arrinta ku kordhin kara go’aanka ay qaataan madaxweynayaasha dalalka IGAD oo midowga Afrika uga baahan doona dhaqan gelinta go’aamadooda.