Heemaal News Network

Saaxiibkii Ayuu Dilay Markii Uu Ka Soo Noqday Dagaalka Gaza

Askari Israa’iili ah oo dhawaan ka soo laabtay Qaza, ayaa la sheegay in uu saaxiibkii ku dilay Tel Aviv, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

Channel-ka 12-aad ee Israa’iil ayaa sheegay in “askari Israa’iili ah oo dhawaan ka soo laabtay dagaalka Gaza uu saaxiibkii ku dilay guri dabaq ah.”

Waxa ay sheegtay in toogashada ay saameyn ku leedahay dagaalkii uu galay, dambiilaha iyo dhibanahana waxay ahaayeen 25 sano jiro.

“Dambiiluhu waxa uu sitay hub sharciyeysan,” ayay tiri, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin dhacdada iyo xaaladeeda.

Warbaahinta Israa’iil ayaa bilihii la soo dhaafay soo warinaysay in kumanaan askari oo laga saaray dagaalka Qaza ay is dileen ama ay dad laayeen oo qaar loo maxkamadeeyey qaarna lagu dabiibayo dhakhtarada dadka dhimirka qaba.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxay yihiin Warqadaha Sirta ah Ee Laga Helay Guriga Madaxweyne Biden?

Heemaaln

Abiy Axmed Oo Isku Shaandhayn aan Hore loo Arag ku Samaynaya Golihiisa Wasiirada

Heemaal

Jaaliyada Somalida Columbus Oo si Adag Uga Fal-celisay Bahdilkii Itoobiya ku Sameysay M/Xasan

Heemaaln