Heemaal News Network

Saraakiil, Askar & Masuuliyiin ku Dhaawacmay Weerarka ka Socda Hotelka SYL

Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka dowlada Somalia iyo masuuliyiin kale iyo askar ayaa la soo sheegaya iney ku dhaawacmeen weerar iskugu jira qaraxyo iyo mid toos ah oo ka socda hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Dabley ka tirsan Al shabaab ayaa gudaha hotelka ka wada tooogasho, iyadoo intii uu weerarku socday ay ka dhaceen gudaha iyo banaanka hotelka qaraxyo waaweyn.

Taliyaha Booliska gaarka ah ee Haramcad, Cabdixamiid Fanax ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaas, waxaana dhaawaciisa la geeyey isbitaalka Digfeer sida wararku nagu soo gaarayaan

Dadka ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL Hotel waxaa sidoo kale ka mid ah xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale, iyadoo hotelka ay weli jiraan masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay mid ka mid ah afhayeenada Dowlada Somalia.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha iyo agagaarka hotelka SYL xaalada goobtaasna weli waa mid cakiran, waxaana socda howlgal ay wadaan ciidamada amaanka oo lagu soo afjarayo weerarka.

La soco wixii ku soo kordha

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ganacsatada G/Banaadir Oo Cabasho ka ah in Laga Qaado Lacago aan Sharci aheyn

Heemaaln

Daawo Cadaymaha ku Gadaaman Weerarkii Hotel SYL .

Heemaaln

Taliyaha Gorgor Oo Faahfaahiyey Howlgallada ka socda Gobolka Mudug

Heemaaln