Heemaal News Network

Magacyada Saraakiil Imaaraadka ah Oo Lagu Dilay Muqdisho Oo la Shaaciyay

Weerar lagu dilay saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta ayaa ka dhacay gudaha Xerada Ciidanka Jen Gordon oo ku taalla degmada Hodan sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaraay

Weerar ka dhacay Xero ciidan Oo Imaaradka Maamulayeen Oo Ku Taal Muqdisho ayaa Waxaa ku dhintay saraakiishaan Hoos ku Xusan.

1- Col, Maxamed Mubaarak- wuxuu ahaa Sarkaalkii u sareeyey Howlgalka Imaaraatka Carabta ee Koonfurta Soomaaliya/Muqdisho.

2- Waxaa dhintay Sarkaalkii Imaaraatiga ahaa ee haysta Xerada, Jen, Gordan.

3- Waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay Madaxii Qeybta Tababarka oo Imaaraati.

4- Madaxii Ilaalada Carabta oo dhinaca kalena haystay ciidanka Ajnabiga ah una dhashay Afrika ayaa la dilay.

5- Madaxii Gaadiidka iyo Saadka oo ahaa ajinabi Afrikaan ah ayaa dhintay.

6- iyo 9 Sarkaal oo Soomaali iyo Ajnabi iskugu jira ayaa iyana ladilay.

Urur gaar ah oo laga xulay ciidanki ay Imaaraatka tababareen ayaa masuuliyada xerada hayay, kaas oo uu kamid ahaa Askariga dilkan geystay Oo Aan la xaqiijin cidda ku Amartay dilkaan.

Lama oga sababta uu askarigan dilka iyo dhaawaca ugu geystay saraakiisha Imaaraadka, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Shacabka Muqdisho Oo ka Hadlay In Dowladda Turkiga Lagu Wareejiyo Badda Somaaliya

Heemaaln

Israel Oo Duqeysey Xarunta Q/Midoobay Ee Khan Younis, ka Dibna Dafirtay.(Sawirro)

Heemaal

Booliiska Puntland Oo Gacanta ku Dhigay Horjoogayaal Ajinabi ah Oo ka tirsan Daacish

Heemaaln