Heemaal News Network

Sergey Lavrov: Dagaalka Ukrain Waa Ganacsi Lagu Dhaco Canshuur Bixiyaayssha reer Galbeedka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayay isku dhaceen Maraykanka iyo taageerayaasha Ukraine kulan ka dhacay Qaramada Midoobay oo Moscow ay meesha ka saartay qorshayaal nabadeed oo ay taageerayaan Kiev iyo reer galbeedka, Shiinaha ayaa ka digay in qalalaasaha caalamiga ah ee dheeraadka ah uu saameyn ku yeesho hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka.

Sergey Lavrov, oo ah dublamaasiga ugu sarreeya Ruushka, ayaa ku andacooday in ciidammada Ukraine ay guud ahaan ku fashilmeen goobta dagaalka, isla markaana “aanay awood u lahayn” inay ka adkaadaan ama wiiqaan Ruushka.

Waxa uu u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Moscow ay mar walba diyaar u tahay in ay wada xaajood nabadeed ka gasho, laakiin waxa uu ku andacoodey in qorshayaasha nabada ee ay soo bandhigeen Ukraine iyo reer galbeedka loo isticmaalo oo kaliya si ay u sii wadaan dagaalka oo ay lacag ka helaan canshuur bixiyeyaasha reer galbeedka.

“Dhammaan qaacidooyinkan waa waddo aan meelna loo marin, tani waxay u roon tahay Ukraine iyo Galbeedka,” ayuu yidhi, isagoo ka digay in daandaasiga lagu hayo Ruushka ee keeni doono dhib wayn haddana uu cad yahayba.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Milateriga Israel Oo Shacab Fara-badan ku Xasuuqay Degaanka Rafax.(Sawirro)

Heemaaln

Ruushka Oo Gantaallo ku Garaacay Meel u dhow” R/wasaraha Giriigga iyo Zelenesky

Heemaaln

Mareykanka Oo Dhaleeceeyey Weerarkii Lagu Laayey Saraakiisha Imaaraadka

Heemaaln