Heemaal News Network

Somaliya iyo Qatar Oo kala Saxiixday Heshiis iskaashi Oo Dhinaca Milateriga ah

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashigooda dhanka ciidamada iyo sidoo kale sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee waxtarka u leh labada dal.

Heshiiska ayaa yimid kaddib kulan dhex maray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin iyo dhiggiisa Qatar, Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, kulankaas oo ka dhacay magaalada Dooxa, halkaas oo ay sidoo kale isla soo qaadeen waddooyin kale oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee difaaca. iyo amniga.”

Kulanka ayaa sidoo kale noqday madal la isku dhaafsado caqabadaha amniga gobolka iyo sahminta fursadaha wadajirka ah si wax looga qabto caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda istiraatiijiyadeed iyo kobcinta kalsoonida labada dhinac.

Qatar ayaa si firfircoon uga qeyb qaadatay bixinta tababarada ciidamada Soomaaliya, taasoo sii xoojineysa xiriirka labada dal.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ruushka Oo Iskugu Yeedhay Golaha Amaanka “Looma Dul Qaadan Karo Xadgudubka Maraykanku Ka Wado Bariga Dhexe”

Heemaal

Dowladda Soomaaliya oo Guddoomisay Shirar Hordhac u ah Kulanka Guud ee Midowga Africa

Heemaal

Xassan Sheekh Oo ka Farxiyey Maxaabiis 100 ka Badan Oo ku jira Xabsiyada Dalka

Heemaaln