Taliyihii Sirdoonka Itoobiya, Temesgen Tiruneh ayaa noqday Raysal wasaare ku-xigeenka dal kaasi, isaga oo beddeleya Demeke Mekonnen, oo xilkan hayey tobankii sanno ee u danbaysay.
Safiirkii hore ee Qaramada Midoobey u fadhiyey Addia Ababa, Taye Atske Selassie, ayaa isna noqday Wasiirka Arrimaha-dibedda Itoobiya.
Magacaabistan oo uu sameeyey Raysal wasaare Abiy ka dib kacdoonno kaga furmay gobolka Amxaarada ayaa waxa maanta meelmariyey Baarlamanka dal kaasi.