Heemaal News Network

Turkiga: Maraykanku Wuxuu Ku Cayarayaa Dab, Holac Ayuuna Isku Badali Karaa

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ka digay xiisad ka dhalan karta gobolka, xilli ay socdaan duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanka ku hayo kooxaha ay taageerto Iran.

“Markaad dabka ku ciyaarto, dabkaasi daqiiqad kasta ayuu isu rogi karaa holac, wuxuuna noqonayaa mid aan la xakameyn karin, halkaan waxaa nagu soo food leh khatar, arrinta xakameyn la’aantu waa khatar wayn oo horteena taagan,” ayuu Fidan ku sheegay wareysi uu siisay Telefishinka Qaranka ee dalka Turkiga.

Isagoo muujinaya in Turkiga uu wadahadalo joogto ah la leeyahay Mareykanka iyo saaxiibada gobolka, Fidan waxuu ku daray: “Waxaan u baahanahay inaan ka fogaano faafitaanka (iska horimaadka) ee gobolka, xaaladdu ma fiicna, waxaa laga yaabaa inaan wajahno faafitaan dagaal oo weyn.”

Isagoo hoosta ka xariiqaya in arrinta ku saabsan ammaanka Israa’iil ay si joogto ah ugu soo baxdo ra’yiga guud ee caalamka, Fidan waxuu sheegay in Israa’iil ay mudnaanta siinayso ballaarinta ammaanka.

Israa’iil waxay dareemi doontaa ammaan ka dib markii ay joojiso “beenta ay u sheegayso” beesha caalamka oo ay siiso Falastiiniyiinta dawladooda, ayuu ku nuuxnuuxsaday wasiirka arrimaha dibadda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Israel Oo Duqeysey Xarunta Q/Midoobay Ee Khan Younis, ka Dibna Dafirtay.(Sawirro)

Heemaal

AFRICOM Oo Ka Hadshaday Duqaynta La Sheegay In Ay Ku Dileen Dhakhaatiirta Kuuba

Heemaal

Imaaraadka Carabta Oo $35 Bilyan ku Iibsatay Magaalo ku Taalla Xeebaha Masar.(Sawirro)

Heemaaln