Heemaal News Network

Turkiga Oo Fashiliyey Weerar Argagixiso Oo lagu Qaaday Maxakamada Istanbul, Iyo Khasaaro

Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay in ay fashiliyeen waxa ay ugu yeereen weerar argagixiso oo lagu qaaday maxkamad ku taalla magaalada Istanbuul, halkaasi oo ay ku toogteen labo qof oo weerarka soo qaaday.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Yerlikaya ayaa sheegay in dadka la dilay oo nin iyo haweenay ah ay ka tirsanaayeen kooxda la mamnuucay oo bidixda fog ee Xisbiga Kacaanka.

Wuxuu intaas ku daray in lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen — saddex qof oo rayid ah iyo saddex askari oo booliis ah.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaalka weerarkan oo ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda Caglayan, oo la sheegay in ay duubeen kamarooyinka ammaanku.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka oo Qunsuliyad ka furanaya Afganistan iyo Isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddii…

Heemaaln

Mareykanka Oo Dhaleeceeyey Weerarkii Lagu Laayey Saraakiisha Imaaraadka

Heemaaln

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qaraar kale Oo Xabad joojin Looga Hirgelinayo Gaza

Heemaaln