Heemaal News Network

Wadahadalo Xasaasi ah Oo Nairobi Uga Furmay M/Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh iyo Madaxweyne hore Shariif Sh.Axmed ayaa kulamo uga bilowdeen magaalada Nairobi, xilli Shariif uu muddooyinkii danbe si weyn uga soo horjeedey siyaasadda xukuumadda Xasan.

Ujeedka shirka labada Madaxweyne u furmay ayaa ah sidii looga tashan lahaa arimaha dastuurka, xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ee dalka .

Shirkan u bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa wararku sheegayaan in ay kasoo shaqeeyeen siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda beesha Abgaal, kuwaa oo labada masuul ka shaqeenaya in ay isku soo dhawaadaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guda jira inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka dowladda, kuwaa oo fariisin ka dhigtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday wax ka bedelka Dastuurka, waxa uuna isbaheysi la sameestay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Beerleyda qaadka ee Kenya ayaa rejo weyn ka qaba kulamo dhexmaraya Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhiggiisa Kenya, xilli muddo todobaad ah aanu qaad tegin Soomaaliya – sida ay ku warramayso warbaahinta Kenya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Laba Nin Oo ku Geeriyooday Ceel ay Dahab ka Qodayeen Deegaanka Bus Ee Waqooyiga Gabiley

Heemaaln

Somaliya Oo War-qad ku Aadan Fadhiga Looga Hadlayo Damaca Itoobiya U Dirtay Q/Midoobay

Heemaal

Xil. Stuart Polak Oo Aqoonsiga Somaliland Ugu Dhex Olaleeyay Golaha Odayaasha Ingiriiska

Heemaaln