Warbaahinta dalka Faransiiska ayaa tabineysa in qof kamid ah dadka tooreyda lagu dhaawacay uu soo gaaray dhaawac halis ah oo dhinaca caloosha ah, waxaana loola cararay qofkaasi iyo dadka kale ee la dhaawacay xarumo caafimaad.
Ciidamada booliiska oo si deg deg ah u gaaray goobta weerarka ka dhacay ayaa xiray nin lagu tuhmayo in falkaasi ka dambeeyay, ninka la xiray ayaana la sheegay in asal ahaan kasoo jeedo dalka Mali.
Booliiska ayaana sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkan iyo ninka loo qabtay oo la sheegay in dukumiintiyo Talyaani ah watay, mana ku sifeyn booliiska weerarkan in uu yahay mid argagaxiso.
Weerarka kaddib ayaa waxaa hakkad galay adeegga tareennada ee ka baxa xarunta weerarka ka dhacay , kuwaa oo u kala gooshayay Talyaaniga iyo Switzerland iyo sidoo kale aagga koonfurta Paris.