Heemaal News Network

Xuutiyiinta Yemen Oo Gantaal la Helay Markab Laga Leeyahay Dalka Switzerland.(Sawirro)

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa labo gantaal oo nooca ballistic-ga ah ka soo riday dalka Yemen, iyagoo duqaymo iyo waxyeelo u geystay Markab Konteenar ah oo laga leeyahay dalka Switzerland kaasoo marayey Gacanka Cadmeed, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Maraykanka.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay markabka M/V MSC Sky II, wuxuuna waxyeello u geystay markabka, balse wararkii ugu horreeyay ayaa sheegaya in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha markabka la socday socday.

Dhowr saacadood ka dib, Maraykanku wuxuu fuliyay weerarro ka dhan ah laba gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah kuwaasoo ku wajahnaa maraakiibta ganacsiga iyo kuwa ciidamada badda ee Maraykanka ee gobolka.

Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan waqooyiga Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca, ayaa sheegay in weerarrada ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga ee badda cas iyo gacanka Cadmeed ay uga gol leeyihiin inay ku cadaadiyaan Israa’iil iyo xulafadeeda inay joojiyaan dagaalka Gaza.

Kooxdan ayaa marar badan sheegtay in howlgallada ay ka wadaan Badda Cas ay joogsan doonaan marka Israa’iil ay joojiso dagaalka oo ay ka qaado go’doominta ay ku hayso dhulka Falastiin.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Imaaraatka Oo Dhisaya Ciidamo Calooshood u Shaqeystayaal Uu ku Xoojinayo Awooddiisa Militari Ee Yemen iyo Somaliya

Heemaaln

Xuutiyinta Oo Gantaal Ballistic ah ku weeraray Markabka Dagaalka USS Laboon

Heemaaln

Hoggaamiyihii ururka Al-Qacida ee dalka Yemen Khalid al-Batarfi oo geeriyooday

Heemaaln