Heemaal News Network

Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Duqeeyey 36 Goobood Oo Ku Yaala Yaman

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in Mareykanka iyo UK ay weeraro cusub ka fuliyeen magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo gobolka xeebta galbeed ee Xudeyda.

Telefishinka Al-Masirah ee taabacsan Xuuthiyiinta ayaa sheegay in duqeymaha ay la beegsadeen degmooyinka Al-Luhayyah iyo Al-Dureyhimi, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Maraykanka, Ingiriiska iyo dadalka kale ee ka taageera hawgalkan ayaa bayaan ay soo saareen ku yidhi. Duqeymo ayaa lagu garaacay 36 bartilmaameed oo ay xuutiyiintu maamulaan oo ku yaala dalka Yaman, si aan uga jawaabno weerarrada joogtada ah ee Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta caalamiga ah iyo kuwa ganacsiga iyo sidoo kale maraakiibta ciidamada ee isaga kala goosha Badda Cas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xisbulah Oo Garaacday Saldhig Milatari Oo Ay Leeyihiin Yuhuudu

Heemaal

Hal Qof Oo Loo Xidhay Dilka Imaam Fu’aad Xassan Yaasiin Oo Lagu Dilay Cardiff

Heemaal

Israa’iil Oo Shaacisay Inay Deegaanka Rafax kasoo Furatay la Haystayaal

Heemaaln