Heemaal News Network

Ukrain Oo Sheegtay In Ay Soo Riday Dayaarad Milatari Oo Ruushku Leeyahay

Ukraine ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad militari oo Ruushku leeyahay oo ah nooca A-50, taasoo ah tii labaad oo ay sheegato in muddo bil gudaheed ah ay soo riddy.

Diyaaradda ayaa lagu soo riday inta u dhaxaysa magaalooyinka Ruushka ee Rostov-on-Don iyo Krasnodar,meel 200km (124 mayl) u jirta jiidda hore, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militariga Ukraine ka tirsan.

Ciidamada gurmadka deg degga ah ayaa lagu soo warramayaa in ay degmada Kanevskoy ka heleen haraaga diyaaradda ayna damiyeen dab xooggan oo ka dhashay burburka.

Ruushka ayaan ka hadlin sheegashadaas. Maanta ayay ku beegan tahay laba sano markii uu Ruushku bilaabay duullaanka buuxa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

General Abdel Fattah Al-Burhan Oo Hal Shardi ku Xiray Wadahadal Nabadeed Oo Uu la Galo

Heemaaln

Nin Qof ku soo Dilay Mareykanka Oo ka Baxsaday Xabsiga Kenya

Heemaaln

Shacabka Yuhuuda: Natanyahu Ha Is Casilo

Heemaal