Heemaal News Network

Maraykan Oo Sheegay In Ay gantoo Iyo Dayaarado Weerar Ku Ahaa Markiib ay Burburiyeen

Ciidamada Maraykanka ayaa saddex diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah ku soo riday meel u dhow maraakiib ganacsi oo marayey badda cas, waxayna burburiyeen toddobo gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah oo yaalay dhulka, sida uu sheegay milatariga Maraykanka.

Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto Iran ayaa bartilmaameedsanaya maraakiibta muddo bilo ah, weerarradooduna waa ay sii socdeen in kasta oo Maraykanka iyo Ingiriiska ay soo noqnoqdeen duqeymo looga gol leeyahay in lagu wiiqo awoodda Xuutiyiinta oo khatar ku ah marinka ganacsiga caalamiga ah ee muhiimka ah.

Gelinkii hore ee Jimcihii, ciidamada Maraykanka ayaa lagu soo riday saddex weerar oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen meel u dhow dhowr maraakiib ganacsi oo marayey badda cas.

Bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee shalay, CENTCOM waxay ku sheegtay in ciidamada Maraykanku ay burburiyeen “toddobo gantaal oo kuwa dagaalka ah oo ay Xuuthiyiinta oo loo diyaariyey inay lagu weeraro dhanka badda cas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Itoobiya Oo Lagu soo Celiyay Diyaarad ay Sameesteen Oo Loogu Magacdaray Gabar.(Sawirro)

Heemaaln

Dowlada Iran Oo Iska fogeysay Weerarkii Lagu Laayey Askarta Mareykanka

Heemaaln

General Abdel Fattah Al-Burhan Oo Hal Shardi ku Xiray Wadahadal Nabadeed Oo Uu la Galo

Heemaaln