Heemaal News Network

Haweeney Ruushh Oo 27 Sano Oo xabsi ah Lagu Xukumay Markii Lagu Helay Dilka Nin..

Haweeney u dhalatay dalka Ruushka ayaa lagu xukumay 27 sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay dishay nin wax ku qori jiray blog-ga militariga oo taageera dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine, iyadoo adeegsatay bam lagu soo qariyay taallo.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada St Petersburg u sheegay in dilka Vladlen Tatarsky sanadkii hore ay amartay dowlada Ukraine.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Darya Trepova, ayaa beenisay inay og tahay in taallada ay ku jireen walxaha qarxa. Waxay u sheegtay maxkamadda inay u malaynaysay inay taalada lagu qariyay qalabka wax lagu dhageysto.

Maamulka Ukraine ayaa kiiskaas ku sheegay mid ay ka danmbeysay argagixiso gudaha ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Abdul-Salam Oo Ku Booriyey Caalmka In Ayna Dhibanayaal U Noqon Khiyaanada Maraykanka

Heemaal

Xuutiyiinta Oo Markab Ingiriisku Leeyahay ku Weeraray Badda Cas

Heemaaln

Maraykanka Oo 85 Goobood Oo Ku Yaala Suuriya Iyo Ciraaq Weerar Ku Qaaday

Heemaal