Heemaal News Network

Uganda Oo Iska Fogaysay Fadeexda Garsoorada Julia Sebutinde Ee Kiiska Falastiin

Maxkamada Cadaalada Caalamiga ah ayaa ku amartay Israa’iil inay qaado dhamaan talaabooyinka lagu joojinayo falalka xasuuqaa ee Qasa ka dib kiiskii ay maxkamadda u gudbisay dalka Koonfur Afrika ee ka dhan ahaa Israa’iil.

Maxkamada ayaa sidoo kale amartay in Israa’iil fasaxdo gargaarka bini’aadanimo ee dadka Qasa balse maxkamadu kuma amrin joojinta dagaalka.

Israa’iil ayaa ka caroortay go’aanka maxkamada iyadoo Koonfur Afrika oo ah dalka gudbiyey dacwada ay ugu baaqeen Israa’iil inay ixtiraamto go,aanka.

Hase yeeshee go,aanka ka dib waxaa dad badani wali hadal hayaan Julia Sebutinde, oo u dhalatay Uganda, ahna garsooraha kaliya ee ka tirsan17-ka garyaqaan ee maxkamadda caalamiga ah ee adduunka ee sida adag u difaacday Israa’iil.

Qaar kamid ah dad isticmaaala baraha bulshada, gaar ahaan kuwa taageera Falastiin ayaa dhaleecayn xoog leh u jeediyey Julia, iyaga ku eedeyay sida ay u dhaqantay.

Safiirka Ugandha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twiter wuxuu ku sheegay in go’aanka garsooraha reer Uganda uusan matalin mowqifka dowlada Uganda ee ku saabsan xaalada Falastiin.

Taageerada Ugandha ee dhibaatada dadka reer Falastiin waxaa lagu muujiyay qaabka codbixinta Uganda ee Qaramada Midoobay.

ayuu intaas raaciyey.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wadahadaladii Xabad joojinta Gaza Ee ka Socday Qaahira oo Guul-daro ku Dhamaaday

Heemaaln

Turkiga Oo Ku Canaantay Caalamka Daawshada Xasuuqa Ka Socda Gaza

Heemaal

Warbixinta Qaramada Midoobay Oo Dalbatay In Danbiilayaasha Lagula Xisaabtamo Xadgudubyada Ka Dhacay Falastiin Iyo Israa’iil

Heemaal