Heemaal News Network

Masar Oo Uga Digtay Israa’iil In Ay Qabsato Marinka Philadelphi Corridor

Masar ayaa uga digtay Israa’iil in isku day kasta oo lagu doonayo in lagu qabsado dhulka ay go’doomisay ee Falastiiniyiinta ee Gaza iyo Masar, oo loo yaqaan Philadelphi Corridor, ay keeni doonto “khatar weyn” xiriirka ka dhexeeya dalalka deriska ah.

“Waa in si adag loo adkeeyaa in tallaabo kasta oo Israel u dhaqaaqdo dhinacan ay u horseedi doonto khatar weyn xiriirka Masar iyo Israa’iil,” Diaa Rashwan, oo ah madaxa Adeegga Warfaafinta ee Masar, ayaa ku sheegtay hadal online ah Isniintii.

Rashwan waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay u qaadan doonto isku day kasta oo ay Israel ku doonayso in ay ku qabsato aagga Philadelphi Corridor “ku xad-gudbida heshiisyada amniga iyo hab-maamuuska ay kala saxeexdeen [Israa’iil] iyo Masar”.

Waddada Philadelphi waa jeex dhererkeedu yahay 14 kiiloomitir oo ku yaal xadka Masar iyo Falastiin.

Hogaamiyayaasha Israel ayaa ka hadlay qabsashada marinka. Qaar ka mid ah wasiirada xagjirka ah ee xukuumadda midigta fog ee PM Benjamin Netanyahu ayaa sido kale ku celceliyay in si isir ah looga sifeeyo dhammaan Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Rashwan ayaa sheegay in xuduudka galbeed ee Falastiin uu yahay mid sugan, isla markaana ay been abuur tahay sheegashada Israel ee ah in hubka Masar looga soo daabulo Gaza.

Waxa uu intaa ku daray in sheegashada noocaas ah ay Israa’iil ku dhawaaqday “si ay ugu qiil uga dhigto sii wadida ciqaabta wadajirka ah” ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta lagu go’doomiyay Gaza.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Australia Oo Sheegtay in ay Falastiin Dowlad u Aqoonsaneyso

Heemaaln

Waa Tuma Haweenayda Ku Galgalatay Kiiska Falastiin Ee Maxkamada Caalamka

Heemaal

Xamaas Oo soo Bandhigtay Haween ka tirsan la Heystayaasha Israaiil

Heemaal