Heemaal News Network

Boqor Charles-ka Ingiriiska Oo Xanuunka Kansar Laga Helay.

Aqalka boqortooyada ee Buckingham Palace ayaa ku dhawaaqay in boqor Charles laga helay cudurka Kansarka.

Boqorka oo 75 jir ah ayaa dhawaan galay isbitaal, ayadoo laga daweynayey qanjirka borostaatada oo ballaartay.

“Boqorku wuxuu doorbiday in uu dadka la wadaago xanuunka laga helay si looga fogaado ku-tiri-ku-teenta, rajadaasna waxay caawin kartaa fahamka mujtamaca dunida ku nool ee uu saameeyey kansarka” ayaa lagu yiri hadalka qoraalka ah ee ka soo baxay Buckingham Palace.

Hadalkaas ka soo baxay aqalka boqortooyada waxaa lagu sheegay in boqor Charles uu shaqadiisa sii wadayo inta la daweynayo.

Hawlahaas waxaa ka mid ah inuu eego warqadaha ka yimaada xukuumadda, uuna saxiixo duumentiyada rasmiga ah.

Waxaan boqorka lagu arki doonin goobaha bulshada isugu timaado ee lagu arki jiray, ayadoo ka soo muuqashadiisa goobahaas la hakiyey.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweynaha Imaaraadka Booqday Sargaal Lagu soo Dhaawacay Weerar ka Dhacay Muqdisho

Heemaaln

Somaliya Iyo Maraykanka Oo kala Saxiixday Heshiiska Tayeynta Ciidamada.(Sawiro)

Heemaaln

Spain Oo Lacag Ugu Deeqaysa Xeer Ilaaliyaha ICJ Si Loo Baadho Xasuuqa Gaza

Heemaal