|
Waxa ay ka siman yihiin dhammaan bukaannadan ayaa ah in bukaannadaas iyo qaraabadoodu ay si buuxda ugu qanacsan yihiin in dhibaatada ay sabab u tahay caada go’ kusoo wajahan.
Waxaa caada u ah bulshadeenna hadda in dhibaatooyin kano o dhan loo saariyo 12ka bilood ee caada go’a ka horeeya hadiibay haweenaydu ay gaadho 40 jir. Tani waxay noqon kartaa mid aad u khaldan oo khatar ah. Dhab ahaantii da’da caada joogsiga ee haweeneyda badanaa waa 48-49, mararka qaarkood waxay sii socon kartaa ilaa 50-51. Laakiin haddii caadadu ay sii socoto kontonka ka dib, waa in uu si joogto ah u hubiyaa dhakhtarka dumarka.
Xilliga caadadu go’ayso oo loo yaqaan Menopause marka lagu jiro, caadadu way ka soo daahdaa xilligii ay imaan jirtay dhiiguna wuu yaraadaa. Sidan hadii ay wax u dhacaan waxaa loo yaqaannaa ‘Menopause’ ama xilliga caada go’u soo wajahan yahay.
Haweeney 15-kii maalmoodba mar caadadu ka timaaddo, dhiig badanaa ka soo baxo, ayaa lagu xukminayaa inay ku jirto xilligii caada go’a, saaxiibadeed ay isku dhow yihiin oo iyagu ah ‘khubaro’ aan cidi dirsan, waxay ku qanciyaan in tani tahay wax la filayey, sidaas ayey xanuunka ugusii adkeyysataa. Haddaba qodob aad muhiim u ah wuxuu yahay….
Celcelis ahaan da’da caada go’u waa 48 ilaa 49 sano jir. Cudurro badan oo kale ayaa sidoo kale jidhka soo gala heerkan da’da. Dhibaatooyinka sida sokorta, dhiigkarka, iyo qanjidh bararku waxay yimaadaan da’da afartanka ka dib.
Waa lagama maarmaan in la sameeyo baaritaanno joogto ah. Inta badan dumarku ma sameeyaan baaritaanadan waxayna u maleeyaan inay caada go’ tahay.
Haddaba maxay yihiin calaamadanahani?
Dhibaatooyinka caadada, korodhka miisaanka joogtada ah, bararka jidhka, maqaarka qalalan, timo daadashada ayaa dhammaantood noqon kara dhibaatooyin uu sababay xanuunka thyroid.
Cuncun joogto ah oo ku dhaca xubinta taranka haweenka, caabuqa kaadi mareenka, daciifnimo, bararka jirka gaar ahaan cagaha, korodhka miisaanka ayaa sidoo kale noqon kara calaamadaha cudurka macaanka.
Wadna garaac, dhidid badan, madax-xanuun, kabuubyo, walwalka ayaa sidoo kale noqon kara dhiig-karka ama marar dhif ah waxay noqon karaan calaamadu cudurrada wadnaha.
Sidaa darteed, way fiicantahay inaad la tashato dhakhtarka wakhtiga adiga oo aan ku xugminin astaamahan inay yihiin caada joogsi.
Maxaa keena caada joogsiga soo dhakhsada?
Haddii caadadu istaagto ka hor afartan jir, waxaa loo yaqaan ‘menopauuse premature’. Haddii caadadu ay joogsato da’da afartan ilaa afartan iyo shan jir, waxaa loo yaqaan ‘menopause hore’.
Cilmi-baadhisyada hadda la sameeyay ayaa muujinaya in dumarka Hindida ah ay wax yar ka sarreeyaan heerarka caada ka-baxa degdega ah marka loo eego haweenka kale ee adduunka. Qormooyin cilmi-baaris oo badan ayaa la qoray si loo ogaado sababta. Tan waxaan ka fahannay qaar ka mid ah sababaha ka dambeeya cada joogsiga degdegga ah, laakiin waxyaabo badan ayaan weli la sharraxin.
Xaaladaha dhaqaale ee haweenka, nafaqo-xumada, walbahaarka maskaxda ee qoyska, guurka degdega ah, furriinka dhamaan waxay sababi karaan cada go’a dumarka.
Waxaa laga yaabaa in caadadu ay ka joogsato goor hore dumarka leh tilmaamaha sida in aanay waligeed isticmaalin kaniiniyada ka hortagga uurka, in ay yaraanta caruur ku dhashay, inay ay caruur badan dhashay iyo in aanay weligeed soo dilmin.
Qaar ka mid ah xanuunka da’da ah ee nolosha dheer sida cudurrada difaaca jirka, kiimoterabiga la marsiiyo dadka qaba kansarka, daaweynta shucaaca ayaa sidoo kale sababi karta in caadadu ay goor hore istaagto.
Dhibaatada ka dhalata cada go’a soo dhakhsada
Hadii aan ka eegno dhanka dumarka Hindida, way faraxsan yihiin xataa haddii ay caadadu ka istaagto.
Balse caadadii weli way socotaa, labada hormoon ee, estrógeno iyo progesterona si sax ah ayey uga shaqeynayaan jidhka haweynayda.
Waa hoormoonnada masuulka ka ah caafimaadka jidhka iyo maskaxda ee haweenka, siiba lafaha iyo wadnaha.
Haddaba marka ay caadadu si dhaqkhso ah u joogsato waxaa hoos u dhacaya tirada hoormoonadan ka dibna waxaa muuqanaya saameynta ay jidhka iyo maskaxda ku yeelatay arrintani.
Xaaladaha wadnaha ee yimaadda marka ay cadadu go’do ka dib ayey halis ugu jirtaa haweenaydu. Sidoo kale heerka cayilka caafimaad darada ah, dhiig karka, macaanka, walwalka dhamaan cudurradan ayaa kordha.
Xitaa sababta fudud ee daciifnimada lafaha ee kordhay waxay keeni kartaa lafaha oo jabá iyo inaad si dhakhso ah uga bogsan weydo taas oo ku biyo shubata inaad sariirta ka aruursato.
Hareeraha xubinka taranka oo qallala, luminta rabitaanka galmada, khilaafka guurka, ka dib dagaal lamaanaha iyo niyad-jabka ayaa dhamaantood dhaca cada joogsiga ka dib.
Sidee loo daweeyaa
Si loo yareeyo dhibaatooyinkaas, haddii caadadu ay si degdeg ah u joogsatay, waxaa habboon in la siiyo haweenka noocaas ah kaniiniyada hormoonnada si ay u sii wadaan caadadooda ilaa ugu yaraan da’da afartan iyo shan sano inta ay ka gaarayaan.
Waxaan ka fogaannaa inaan hormoonnada siino haweeney kasta ka dib da’da soddon iyo shan jirka. Sababtoo ah waxay leeyihiin hormoonno dabiici ah oo ku jira jidhkooda. Hormoonnada ku jira jirka haweenka ee joojiya caadada goor hore ayaa gabaabsi ah taasina waxay saameyn xun ku yeelataa jirkooda.
Qaadashada kiniinka hoormoonka waqtiyadan oo kale waxay aad u yarayn kartaa khatarta caafimaad ee haweenkan.
Hal shay oo aad u muhiima, ayaa ah in la sameeyo baaritaanno ka hor inta aan lagusoo gunaanadin in caadadu aysan imaan waqtigii loogu talagalay taas oo macnaheedu yahay cada joogsiga caadiga ah. |
Dumar badan ayaa la ildaran caadada aan caadiga ahayn. Dumarka qaar ayaa si qaldan u haysta in caadadu ay joogsatay da’da soddon iyo shan jirka ka dib. Ma raadiyaan la-talin caafimaad waqtigii loogu talagalay waxaana si lama filaan ah u bilaabma dhiigbax culus. Waa in la ogaadaa in da’da caadiga ah ee menopause ee haweenka ay tahay 48-49 iyo wixii ka sareeya.
In la iska indhatiro cabasho kasta oo caafimaad kadib da’da sodon iyo shanta sano maadaama cada joogsi ay tahay, waa qalad aad u weyn oo ay haweenku sameeyaan oo ay waxyeelo aan la qiyaasi karin ugu geystaan caafimaadkooda. Maskaxda ku hay in caado-joogsia degdega ah aysan ahayn mid caadi ah waxayna u baahan tahay talo caafimaad iyo baaritaan sax ah.
Tirada haweenka uu ku dhaco caada jogsiga degdegga ah ayaa sii kordhaya sababtoo ah korodhka rajada nolosha qof kasta oo ku jira maskaxdii hore. Cada go’a ka dib, haweenku waxay heli karaan ugu yaraan labaatan ilaa soddon sano oo nolol ah. Bulshadeenna, haween aad u yar ayaa leh dabeecad ay ku daryeelaan caafimaadkooda da’da afartanka ka dib. Sida aan kor ku soo sheegnay, cada joogsiga ka dib, hormoonnada ilaaliya caafimaadka haweenka ayaa dhammaanaya ka dibna waxay u nugul yihiin cudurro kala duwan.
Dhammaan waxyaalahaas oo dhan maskaxda ku hay, cunto habboon iyo jimicsi joogto ah ayaa lagama maarmaan u ah ka hortagga caadada go’a degdegga ah.
Fiitamiino iyo nafaqooyin qaarkood ayaa sidoo kale la muujiyay inay faa’iido leeyihiin. Dumarku waxa ay ilaashan karaan caafimaadkooda sida ugu fiican iyaga oo dhimaya karbohaydraytyada bariiska, baradhada, sonkorta, daqiiqda, iyo in jimicsi ay ugu yaraan 45 daqiiqo maalintii sameeyaan.
Dhab ahaantii, marka loo eego wakhtiyada isbeddelka, haweenku waa inay sidoo kale horay u qorsheeyaan cada go’ooda oo ay go’aansadaan sida ay u yareyn lahaayeen dhibaatada. Taas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in aad maskaxdaada iyo jir ahaan u ilaaliso, u aqbal isbedelada jidhkaaga si wanaagsan. Markaas oo kaliya ayaa wakhtigan adag noqon karaa mid sahlan.