Heemaal News Network

Carabta Si Ayna Abid Uga Hadal Golaha Amaanka Xalay Wacdaro Uga Dhigay

Wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sii wada baaqa xabad joojinta Gaza ee go’doonsan, kulan looga hadlayay xaalada bariga dhexe oo ay ku jirto colaada Israel iyo Falastiin ee salka ku haysa qabsashada Israel ee dhulka Falastiiniyiinta oo tobanaan sano jir ah.

Jordan, Saudi Arabia, Turkiye, Imaaraadka Carabta, Slovenia, Mozambique, Indonesia, iyo Shiinaha ayaa dhamaantood ku baaqay xabbad-joojin intii uu socday kulanka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Urdun ahna wasiirka arrimaha dibadda Ayman Safadi ayaa yiri “sacaddu waa ay sii socotaa” iyo “Jooji xasuuqa”. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Waleed El Khereiji, ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay sidii dhibaatada loo dhimi lahaa, loona soo afjari lahaa dhibaatada ka taagan Falastiin.

Lana Zaki Nusseibeh, oo ah Ergeyga Joogtada ah ee Isutagga Imaaraatka Carabta u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in baaxadda dhibaatada Gaza ee go’doonsan ay la tartameyso xilliyadii madoobaa ee taariikhda.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Yurub ee Slovenia Tanja Fajon ayaa sidoo kale ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza, isagoo yiri: “Xabbad joojinta Gaza iyo gobolka oo keliya ayaa keeni doonta ilaalinta rayidka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Indonesia Retno Marsudi ayaa sidoo kale dalbatay xabbad-joojin degdeg ah oo joogto ah, taasoo noqon doonta “wax walba beddeleysa,” Safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa ku celiyay in xabbad-joojin degdeg ah loo tixgeliyo mudnaanta koowaad.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maryakanka Oo Hubkii Ugu Badnaa U Diraya Israel Iyo Dayaaradaha “F-35, F15 Iyo Apache

Heemaal

16 Xildhibaan Faransiisa Oo Booqday Rafah, Dalbadayna Xabad Joojin Degdeg Ah

Heemaal

Ciidamada Israel Oo Qirtay iney Weerareen Xarun Q/Midoobay ku Leedahay Gaza

Heemaaln