Heemaal News Network

Diblumaasi Mareykan ah Oo Qirtay in 40-sanno Basaas u ahaa Dal Mareykanka Cadaw ku ahaa

Diblumaasi hore oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa qirtay dambi ah in uu basaas u ahaa muddo 40-sanno ka badan dalka Cuba, oo cadaawad xooggan ay kala dhaxeysay dowladda Mareykanka.

Victor Manuel Rocha oo 73 jir ah muddana kusoo dhax jiray diblumaasiyada Mareykanka ayaa qirtay dambi ah in uu basaas xogaha u gudbiya dowladda Cuba ahaa muddo ka badan 40-sanno.

Diblumaasigan ayaa lagu eedeeyay in uu si qarsoodi ah xogta ugu gudbin jiray dowladda Cuba oo ay maamulayeen shuuciyada, tan iyo 1981-kii, xilligaasoo uu ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Maxkamadda kiiska diblumaasigan qaadeysa ayaa lagu wadaa in ay soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan dhageysiga kiiskan 12-ka Abriil, waxa uuna ninkan bedelay bayaan hore oo kasoo hor jeediyay maxkamada Mareykanka ee Miami Khamiistii.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Israel Oo Duqeyn ku Bilowday Rafah Caruur Iyo Haween Badan-na Lagu Xasuuqay.(Sawirro)

Heemaaln

Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Gantaalo Ku Weeraray Dalka Yaman

Heemaal

La taliyihii Hore Amniga Ee Raysal wasaare Abiy Ahmed Oo u Baxsaday Dalka Belgium

Heemaaln