Heemaal News Network

Golaha Wakiillada Puntland Oo Aqbalay Codsi Uga yimid Madaxweyne Siciid Deni

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajandaha fadhiga maantq ayaa ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda & soo jeedinta warbixinta Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Intaa kadib. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024)

Dhinaca kale, waxaa Golaha wakiillada maamulka Puntland warbixin ka jeediyey Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowlada Somaliya Oo Raali-gelin ka Bixisay Falkii ka Dhacay Garoonka Muqdisho.(Akhriso)

Heemaaln

Xil. Foosiya Yuusuf Aadan Oo Faahfaahin ka Bixisay Tartanka ay Ugu Jirto Gudoomiyaha Midowga Afrika

Heemaaln

La wareegida Turkiga Ee Badda Somalia, Saameynta ka Dhalanaysa & Cida u Darnaan doono,Qodobada ku jira

Heemaaln