Heemaal News Network

Itoobiya Oo Masar ku Eedeysay inay Ciidamo Militari ah usoo Dirayso Somaliya

Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku cambaareeyay hanjabaadda Masar ee ku aaddan faragelinta milateri ee Soomaaliya iyo Badda Cas ee ku aaddan muranka biyaha Niil.

Bayaanka ayaa Masar ku eedaynaya inay tahay cadow taariikhi ah oo mar walba isku dayaya inuu wiiqo danaha iyo horumarka qaranka Itoobiya.

War-saxaafadeedka oo lagu daabacay Baraha Bulshada ee rasmiga ah ee Ciidanka Difaaca, ayaa waxaa qoray Aschalew Lencha oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Difaaca.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Masar aysan ku faraxsanayn dhismaha biyo xireenka Renaissance Dam, oo ah mashruuc koronto ah oo ujeedkiisu yahay in la helo amniga korontada iyo biyaha ee Itoobiya iyo gobolka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Masar ay dhawaan bilowday olole cusub oo caga-jugleyn iyo daandaansi ah, iyadoo ku hanjabtay inay ciidamadeeda u soo dirayso Soomaaliya si ay uga hortimaado danaha Itoobiya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Bulshada Awdal Ee Muqdisho Oo War-saxaafadeed kasoo Saaray Damaca Ethiopia Ee Badda

Heemaaln

Iran, Suuriya Cumaan iyo Ciraaq Oo ka Hadlay Duqeymaha Mareykanka Uu Fuliyay

Heemaaln

Olusegun Obasanjo Oo Loo Xil Saaray Heshiisiinta Soomaliya Iyo Itoobiya

Heemaal